{DAAWO SAWIRADA} Kooxo Hubeysan oo Qabsaday Hoteel ku yaalla Magaalada Sevare ee Dalka Maali

0
370
This handout picture released on April 6, 2015 by the French Defense Audiovisual Communication and Production Unit (ECPAD) shows a member of the French special forces standing next to a machine gun mounted on a vehicle in Mali. French special forces on April 6, 2015 rescued Dutch train driver Sjaak Rijke, kidnapped in Timbuktu in northern Mali in November 2011 by Al-Qaeda in the Islamic Maghreb (AQIM), in an operation that killed several jihadists. AFP PHOTO / ECPAD = RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO / ECPAD" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS - TO BE USED WITHIN 30 DAYS FROM 06/04/2015==

Ugu yaraan Toddoba ruux oo ay ku jiraan Afar Askari oo ka mid ah Ciidamada Dalka Maali ayaa ku Geeriyooday Weerar ay Koox Hubeysan ku Qabsadeen Maanta Hoteel ku yaalla Magaalada Sevare ee Bartamaha Dalka Maali, iyadoo Saraakiil u hadlay Millateriga dalka Maali ay sheegeen in kooxaha hubeysan ay qabsadeen Hoteelka.

Dableydan ayaa la sheegay in saaka oo Jimco ah Aroortii ay Gudaha u galeen Hoteelka oo lagu magacaabo Byblos, iyadoo dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen Warbaahinta inay ku haystaan hoteelka dad ajnabi ah.

Hoteelka ayaa la Sheegay inuu ahaa Meel ay si aad ah u Tegi jireen Ciidamada Qaramada Midoobay ka socda ee MINUSMA. Waxayna wararku sheegayaan in Dadka ajnabiga ah ee lagu haysto hoteelka uu ku jiro duuliye u dhashay dalka Ukraine.

Sidoo kale, Hoteelka ayaa la Sheegay inay Xilliga Weerarku Dhacayay ay ku jireen Dad u dhashay dalalka Koonfur Afrika, Faransiiska, Ukraine, sida uu farriin qoraal ah ku sheegay Afhayeenka Millateriga dalka Mali, Souleymane Dembele.

“Dad badan ayaa Hoteelka Afduub loogu haystaa,” ayaa laga soo Xigtay ilo Wareedyo ka Tirsan Millateriga Maali. Iyadoo Wararku ay intaas ku darayaan in Ciidamadii u gurmaday Hoteelka lagu dilay afar, mid kalena la dhaawacay.

“Hadda dhimashadu waxay maraysaa Toddoba Qof oo kala ah; afar Askari, laba ka mid ah kooxaha weerarka soo qaaday iyo ruux Ajnabi ah,” ayuu Sarkaalkan Hadalkiisa ku daray, isagoo aan bixin Faahfaahin intaas ka badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ruux jirkiisu ay ku xirnaayeen walxaha Qaraxa la dilay. Halka maydka ruux kale oo caddaan ah uu yaallo dibadda Hoteelkan oo ahaa mid ay inta badan booqan jireen dadka ajaanibta ah.

Uuro fara badan ayaa baxaysa Hoteelka, waxaana sidoo kale la maqalyaa rasaas fara badan oo ay is-weydaarsanayaan ciidanka amniga Maali iyo kooxihii galay Hotel Byblos, kaasoo ku dhow garoonka diyaaradaha Sevare oo 600-km Waqooyi-bari kaga beegan Caasimadda dalka Maali ee Bamako.

“Millateriga Maali ayaa buuxiyay agagaarka Hoteelka… welina waxaa socda hawl-galka lagu doonayo in lagu badbaadiyo dadka hoteelka lagu haysto,” ayuu AFP u sheegay mid ka mid ah saraakiisha Millateriga Maali.

Bannaanka hore ee Hoteelka ayaa la sheegayaa in lagu arkayo maydad daadsan, kuwaasoo aan loo dhawaan karin. Waxaana dhacdadan lagu sheegay inay tahay middii saddexaad oo ka dhacda dalkaas, oo la daalaa-dhacaya sidii uu uga soo kaban lahaa colaado ka dhacay sannadkii lasoo dhaafay.

“Rasaas ayaa weli dhacaysa, mana garanayo cidda wax tooganaysa iyo cida la tooganayo,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadka ku nool deegaanka uu hoteelku ku yaallo oo Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah la hadashay.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Millateriga Maali ayaa Sheegay in ay Wadaan Howl-gal ay ku doonayaan inay kooxaha hubeysan kaga saaraan Hoteelka. Iyagoo xusay inaysan garanayn in weerarkan uu yahay mid xiriir la leh kooxo Argagaxiso oo ka jira dalkaas iyo in kale.

Si kasta oo ay tahay, Weerarkan ayaa imaanaya xilli 11 ka mid ah Askarta Maali oo lagu dilay Isniintii lasoo dhaafay Weerar ay kooxo Islaamiyiin ah ku Qaadeen saldhig ku yaalla Gobolka Timbuktu.

KOX HUBEYSAN OO QABSATAY HOTEL KUYAAL MAALI  (1) KOX HUBEYSAN OO QABSATAY HOTEL KUYAAL MAALI  (2) KOX HUBEYSAN OO QABSATAY HOTEL KUYAAL MAALI  (3)