{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Jubbaland oo Kismaayo lagu dhaariyay

0
384

Waxaa maanta Xarunta Ceymiska ee Magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho dadka inta badan natiijada kasoo baxeysa ay sii ogaayeen, waxaana doorashada ku tartmayay ilaa afar Musharax uu ku jiro Hogaamiyihii Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Doorashada oon waqti badan qaadan ayaa lagu kala baxay wareega koowaad ee doorashada, waxaana si aqlabiyad leh ugu guuleestay Hogaamiyaha Jubbaland oo helay codad gaaraya 68-cod, waxaana doorashada codkooda dhiibtay xildhibaano gaaraya 74-Xildhibaan.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii uu guuleestay kadib waxaa durba lagu dhaariyay xarunta ceymiska ay maanta ka dhacday Doorashada.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin doorashada natiijadeeda lasii ogaa ee maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in xubno katirsan Dowlada ay doorashada soo dhaweeyaan halka kuwa kalana ay kasoo horjeesan doonaan .

Baarlamaanka Jubbaland ee maanta Kismaayo ku doortay Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe ayaa ah Baarlamaan aan kalsooni heysan, waxaana kol hore Kalsoonida kala laabtay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.