{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhiga iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Baardheere

0
338

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen.Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo dhowaan laga saaray Al-Shabaab, iyadoo wafdiga Wasiirka ay soo dhoweeyeen Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Gen. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Farataag iyo saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Jen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa markii uu booqday magaaladan istaraatiijiga ah, waxa uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Baardheere iyo saraakiisha Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM, waxana uu sidoo kale soo kormeeray xarumaha muhiimka ah ee magaalada sida buundada, isbitaalka , saldhiga dhexe iyo goobaha waxbarashada, isagoo sheegay in magaaladu ay si weyn dib ugu dhacsan tahay, isla markaana loo baahan yahay in gacan laga geysto dib u hawlgelinta xarumaha Dawladda iyo adeegyada danta guud ee magaalada.

Wasiir Diini waxa uu ugu baaqay Dawladda Dhexe iyo Beesha Caalamka inay dadweynahaha diifaysan ee magaalada u fidiyaan gargaar bani aadantinimo si wax looga qabto nolosha dadka iyadoo laga jawaabayo baahiyahooda. Wasiirlku waxa dadka degaanka uga mahadnaqay dhiiranaanta ay sameeyeen si ay u gacan siiyaan ciidamada dawladda ee magaalada ka xoreeyey kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, isagoo sidoo kale bogaadiyey geesinimada iyo adkaysiga ciidamada qaranka ee aaggaasi ka hawlgelayey oo aan wax mushahar ah qaadan sanooyinkii ugu danbeeyey, laakiin aan ka tegin shaqada qaranka iyo u adeegidda dadkooda oo maanta ku naaloonaya xorriyad iyo nolol ka wanaagsan tii sharwadayaasha Alshabaab.

“Marka kowaad waxaan u mahadcelinayaa dadka degaanka, ciidamada qaranka iyo saaxiibada AMISOM oo iska kaashaday sidii ay u xorayn lahaayeen magaalada muhiimka u ah dalka Soomaaliya. Ciidamada keligood waxba ma qaban karaan ee waxay taageero joogta ah ka helayeen dadweynaha reer Baardheere”ayuu yiri Wasiir Diino.

“Maanta waxaan booqday xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka ee magaalada, runtiina wax aka muuqday daryeel la’aan iyo in ay dib u dhacsan yihiin. Sidoo kale, dadka waxaa ka muuqda diif iyo daal ka dhashay gacantii adkayd ee arxanlaawayaasha Shabaab.

“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Dhexe iyo Beesha Caalamka inay gargaar bani aadantinimo oo degdeg ah la gaaraan magaalada, gaar ahaan dhinaca adeegyada dadweynaha sida caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada si loo fududeeyo gargaarka la fidinayo, waxana hadda aan rasmi u sheegayaa in garoonku uu furan yahay oo laga soo dagi karo maanta wixii ka danbeeya”

“Waxaa xusid mudan in ciidamada qaranka ee ka hawlgalayey degaanka aysan sanooyinkii ugu danbeeyey wax xuquuq iyo mushahar ka helin dawladooda, laakiin sameeyey adkaysi iyo dhabar-adayg si au u gutaan waajibkaan qaran ee maanta guushiisa la mahadiyey.

Waxaan balanqaadayaa in ciidamadan ay helayaan xuquuqaha ay leeyihiin ciidamada qaranka ee qaybaha kale ee dalka ka dagaalamaya sida mushaharka, saadka iyo agabka dagaalka.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga ee maanta booqday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaa kamid ah, Wasiir ku xigeenka Dastuurka Xildhibaan C/laahi Yuusuf Allenkey, Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Axmed Daqare, Wasiir ku xigeenka Shaqada shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cismaan Libaax Ibrahim, Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, Xildhibaan Bishaar Ugaas, Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac, General Maxamed Xaashi oo kamid ah Guddiga Isku dhafka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Saahid Maxamed Cali (Qodhob), waxana gelinkii danbe ee maanta ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

gaashaandhiga (8)gaashaandhiga (7)gaashaandhiga (6)gaashaandhiga (5)gaashaandhiga (4)gaashaandhiga (3)gaashaandhiga (2)gaashaandhiga (1)