{DAAWO SAWIRADA} Xiisad cusub oo ka dhalatay Wiil Madaw ah ay dileen Booliiska Dalka Mareykanka

0
371
Smoke rises as police attempt to disperse protesters on Page Ave. after a shooting incident in St. Louis, Missouri August 19, 2015. REUTERS/Kenny Bahr

Waxaa mar kale xiisad ka dhalatay dil ay Wiil Madow ah u geesteen booliiska Mareykanka ay kasoo cusboonaatay magaalada St. Louis ee gobalka Mossouri ,

Mudaharaadyo rabshada wata ayaa xalay kasoo cusboonaaday magaalada St. Louis ee gobalka Mossouri , kadib markii ciidamada booliiska ay toogasho ku dileen wiil Madaw ah xili ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah daroogada.

Ciidamada booliiska ayaa galay guri looga shakiyay in lagu iibiyo daroogada, waxa ayna ciidamada markii ay gurigaasi galeen la kulmeen wiilka madowga ah oo 18-sano jir, Sarakaiisha booliiska ayaana sheegay wiilkaasi n uu bistoolad ula soo baxay kadibna ay toogteen ciidamada.

Dadka madowga ah ee dhigayay banaanbaxa ayaa tuurayay dhagxaan iyo dhalooyin, waaana magaalada St. Louis , gil gilay banaanbaxyo rabshado wata ay dhigayaan dadkan ka careesan dilka wiilkan madawg ah.

Magaalada Ferguson ee gobalka Mossouri, ayaa lagu xasuustaa dibad baxyo rabshado watay oo mudo kasocday, kaa oo ka dhashay dilka wiil Madaw ah uu u geestay askari cadaan ah oo katirsanaa booliiska Mareykanka.