{DAAWO SAWIRADA} Saxiixayaasha Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe oo shir ku leh Muqdisho

0
338

Waxaa Maalintii labaad Kasocda magaalada Muqdisho shir laisku mari la yahay oo ay isugu yimaadeen Saxiixayaasha dhismaha Maamulka loo sameenayo Gobolada Hiiraan iyo Shabelleda dhexe, waxa ayna shirkan uga arinsanayaan sida loo wajahayo dhismaha Maamulkaasi.

 

Kulanka Waxaa shir Gudoominayay Wasiirka Amniga  Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed , waxaana ka qeyb galaya kulanka wasiirka arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawa iyo Wasiirada kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe, Xildhibaano iyo labada Gudoomiye ee Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.

 

 

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa Howlaha maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe ,waxaa sidoo kale shirka looga arinsanayaa dhismaha Guddi farsamo oo fududeeya qabsoomida shirka Maamul u sameynta.

 

 
Waxaa wali caqabad ka taagantahay halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, iyo halka laga dhigi doona caasimada u yelanayo maamulkaas iyo habka awooda loqeyb san doono madama ay labada gobol aysan isla ekeen oo u weyn yahay gobolka hiiraan