{DAAWO SAWIRADA}Xog laga soo saaray qaraxii Thailand

0
408

Qaraxii isniinta ka dhacay Thailand ayeysan dhici karin inay ka dambeeyaan koox argagixiso caalami ah sida dowladdu sheegtay.

Col. Winthai Suvaree, oo ah afhayeenka militeriga xukuma dalka ayaa sheegay in tani tahay hordhaca gabagabada ay gaareen baarayaasha.

Si kasta ha ahaatee, mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in qofka ugu horeeya ee laga shakiyay uu shisheeye yahay.

Weerarka ka dhacay Macbadka Hinduuga Erwan ee bartmaha magaalada Bangkok isniintii ayey ku dhinteen 20 ruux, iyadoo tiro badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan 10 ruux looga shakiyay inay weerarka ku lugleeyihiin. Wuuxna taliyaha booliska qaranka, Somyot Pumpanmuang, sheegay inuu aaminsan yahay in weerarka la qorsheynayay ugu yaraan hal bil.

Hadalkii ugu dambeeyay ee dowladda Thailand soo saartay ayaa wax yar ka iftiimiyay mucjisada ku hareereysan weerarkii isniintii, balse waxay u muuqataa in meesha laga saaray in weerarka ay ku lug leeyihiin ururo la yaqaano sida Alqacidda.

Booliska Thailand ayaa weli raadinaya saddex nin oo qaraxa ka hor kaamerada laga arkay, iyadoo amar xarigooda ah la soo saaray, lagana codsaday booliska caalamiga inay ka caawiyaan helistooda. Abaalmarin gaareysa 28kun oo doolar ayaa loo ballan qaday ciddii keenta wax ku saabsan kuwa laga shakisan yahay.

Badi inta wax ku noqotay weerarka ayaa u dhashay Thailand, balse waxaa ku jira dad kale oo u dhashay Shiinaha, Hongkong, UK, Indonesia, Malaysia iyo Singapore.

Ra’iisul wasaare Prayuth Chanocah ayaa ku tilmaamay weerarka inuu ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca Thailand.

q1 q2 q3