{DAAWO SAWIRAD}Wasiirka Amniga Oo Tababar U Furay Saraakiil iyo Ciidamo la geenayo Degmooyinkii Al-Shabaab laga saaray

0
313

Waxaa Maanta Xarunta Tababarka Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho tababar looga furay Saraakiil iyo Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, kuwaa oo loogu tala galay in la geeyo Degmooyinkii dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Munaasabada tababarka loogu furayay Sarakaiisha iyo Ciidamada Booliiska katirsan waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha , Wasiirka Arimaha Gudaha , Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka , Taliyaha Ciidanka booliiska iyo Saraakiil kale.

Saraakiisha iyo Ciidamada booliiska ee tababarka loo furay ayaa gaaraya 130, waxaana la qorsheenayaa marka tababarka oo soconaya mudo labo isbuuc ah uu usoo dhamadao in la geeyo Degmooyinka dhawaan laga saaray Al-Shabaab si halkaasi uga howl bilaabaan.

Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale ee Munaasabada tabbaarka lagu furayya ka hadlay ayaa ku booriyay Saraakiisha iyo Ciidamada booliiska ee tabbaarka loo furay, waxa ayna kula dar darameen in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan dadka kunool Deegaanada la geyn doono .