Dagaal khasaaro geystay oo Marka ka dhacay iyo rasaas Wali laga maqlaayo Gudaha Magalada

0
501

Magaalada Marka wararka ka imaanaya waxa ay sheegayana in dagaal khasaaro geystay oo maleeshiyo beeleed u dhaxeeya inuu halkaasi ka dhacay, saakana laga maqlaayo Magaalada rasaas goos goos ah.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dhacay xaafada loo yaqaan waa cunaynaa waa cabeynaa ee duleedka Magaalada Marka, wuxuuna dhacay shalay maqribkii, iyadoo saaka Magalada Marka laga maqlaayo rasaas teel teel ah oo maleeshiyadka ay isweydaarsanayaan.
Dagaalkii shalay maqribkii dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, ugu yaraan saddex ka mid ah dhinacyada dagaalka dhexmaray ayaa halkaasi ku dhintay, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay dagaalka.
Xaafada waa cuneynaa waa cabeynaa ee Magaalada Marka, ayaa saaka oo Sabti ah waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo dhinacyada halkasi ku sugan ay isku weydaarsanayaan.
Waxan la ogeyn sababta dib u soo cusboonaysiisay dagaalkaan dib uga soo qarxay Magaalada Marka.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Magaalada Marka, dadka deegaanka waxa ay dareemayaan walaac ku aadan dagaal beeleedkaan dib u soo cusboonaaday.
marko