Dowladda oo loogu baaqay inay wax ka qabato tacadiga Amisom ay ka geysatay Marka

0
319

Dowladda Federalka Somalia, ayaa waxaa loogu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka joogtada ah ee ciidamada Amisom ay ka geysanayaan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Siyaasi Muxudiin Maxamed Xaaji oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha hoose, ayaa  sheegay  inaan la dhageysan karin waxa kasoo yeeraya Magaalada Marka oo uu ula jeedo tacadiga ciidanka Amisom ay halkaasi ka geysanayaan.
Siyaasigaan ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Amisom dhibaatooyin aad u fool xun ay u geysteen shacabka Marka oo dad masaakiin ah ay halkaasi ku laayeen, wuxuuna Dowladda dhexe ka dalbaday inay wax ka qabato dhibaatooyinka ciidanka Amisom ay ka geysanayaan Magaaladaasi.
Ciidamada Amisom ayaa maalin ka hor Magaalada Marka waxa ay ku dileen dad shacab ah kadib markii qarax lagula eegtay Magaaladaasi, kadibna dadka ay laayeen.
Bishii lasoo dhaafay iyo Bishan tirada ciidanka Amisom ay ku dileen Magaalada Marka waxa ay gaaraysaa ilaa 20 ruux oo shacab ah, Amisom ayaa sheegaysa inay baareyso wararka la xiriira inay dad shacab ah ku dishay Marka.