Dowladda Soomaaliya oo Beenisay inay Lacago ka Hesho Shirkadda SOMA OIL & GAS

0
353

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta si cad u beenisay Warbixintii kooxda Baarayaasha Qaramada Midoobay ee la Socodka Arrimaha Somalia iyo Eritrea oo ku eedeysay Shirikadda SOMA OIL & GAS inay Mushaarro sharci-darro ah siiso Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Bartoolka ayaa lagu sheegay in Warbixntaas ay tahay sarbeeb ah in Wasaaraddu ay ku Takri-fashay Hantida Qaranka Soomaaliyeed, balse ay tahay mid aanay waxba ka jirin.

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo saaray Warbixin Muujineysa inuu jiro Heshiis Qoraal ah oo 25-kii Abriil ee sannadkii 2014-kii ay wada-galeen Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Somalia iyo Shirkadda SOMA OIL OIL & GAS kaasoo ay ku xuseen Mushaarro la siiyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda iyo Magacyadooda.

Sidoo kale, Wasarada Bartoolka iyo Macdanta Soomaalya ayaa War-saxaafadeedkeeda ku xustay in Dhamaan Mushaaraadka Shaqaalaha Wasaarada ee ay bixisay Shirikadda SOMA OIL & GAS si sharci ah loosoo mariyay Bangiga Dhexe ee Somalia, Heshiiska ay wada-galeen shirkaddana uu yahay mid aan Qarsoodi ahayn oo la heli karo.

“Dalka Somalia waa dal kasoo kabanaya colaado daba dheeraaday, waxaa sharaf noo ah in hay’adaheennu yihiin kuwo ka shaqeynaya hagaajinta dalka iyo sidii uu horumar ku gaari lahaa. Isla-xisaabtanna loo heli lahaa, taasoo Nuxurkeedu yahay in Somalia ay tahay dal Maamulkiisa si sax u ilaalinaya,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa waxaa warbixinteeda ku xustay in Dowladda Federaalka Somalia ay ka go’an tahay in Kheyraadka Dalka la soo saaro loona isticmaalo si siman, iyadoo ujeeddadu tahay in la kobciyo dhaqaalaha dalka, lana abuuro shaqooyin dalka ka saara faqriga uu muddada dheer kusoo jiray.

Shirkadda_Soma_Oil_&_Gas_UK_660