Faah-faahin Dheraad ah Ayaa Kasobaxeyso Duqeyntii Gobolka Galgaduud

0
321

Faah-faahin ayaa ka soo baxaysa Duqeyn Diyaaradaha Ciidamada Itoobiya ay ka geeysteen Degaanka Warxoolo ee Gobolka Galgaduud,waxaana la sheegay in Khasaaro Xoogan ay geeysatay  Duqeyntaasi.

Wararka ayaa sheegaya  in Tiro Dhaawacyo  oo Al-shabaab ka tirsan la geeyay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Dowladda Soomaaliya Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa Shacabka ugu baaqay in ay ka dheeraadaan Meelaha ay joogaan Shabaab si aysan u soo gaarin Waxyeelada Shabaab loo wado.

Guddoomiyaha Ceelbuur ayaa intaa ku daray in Degaanada Shabaabku ay ka joogaan Gobolka Galgaduud laga wado Howlgalo lagu Burburinayo Shabaab,wuxuuna Shacabka  amray in ay ka Fagaadaan.