Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo soo bandhigay shuruudaha laga rabo Musharaxiinta

1
380

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa soo bandhigay shuruudaha laga doonayo musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Maamulkaas, xilli la filayo in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 15-ka bishan Agosto.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qureysha Maxamed Cabdulle ayaa sheegtay in musharax walba laga rabo inuu ka soo baxo shuruudaha hor-yaala ka hor inta aanu u tartamin doorashada Madaxweynaha.

“Shuruudaha laga rabo inuu buuxiyo shaqsiga raba inuu u tartamo Madaxweynenimada dowlad goboleedka Jubblanad waxaa ka mid ah inuu yahay muwaadin ka soo jeeda Jubbaland, in aanu dambi galin, in da’diisa ka yareyn 40-sano, inuu leeyahay aqoon jaamacadeed ama waayo aragnimo 10-sano ah, waa inuu akhlaag iyo asluub leeyahay, caafimaadkiisa iyo miyir qab yahay”ayay tiri Guddoomiyaha Guddiga doorashada Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa musharax walba laga rabaa inuu bixiyo lacag dhan $7,000 oo dollar, isla markaana soo raacsiiya taariikh nololeedkiisa.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhowaan magacaabay Guddiga doorashada, waxaana uu go’aamiyay in 15-ka bishan ay dhaceyso doorashada, hase ahaatee Madaxweynaha Jubbaland ayaa dalbaday in dib loo dhigo doorashada oo la gaarsiiyo illaa dhamaadka bishan.

Comments are closed.