Gudoomiyaha Gobolka Gado oo uu Xilka Ka qaaday Axmed Madoobe iyo Siyaasiin Kale oo Maanta laga Soo Masaafurinayo Gobolka Gado.

0
394

Cornel C/rashiid Macalin Gaas oo ku sugan Gobalka Gedo ayaa sheegay in Maanta Gedo laga soo Musaafurin Doono Gudoomiyha Gobalka Gedo ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil oo uu Xilka ka qaaday Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin kale.

 

Tarxiilka waxaa ku Wehlin Doona Gudoomiyha Gobalka Gedo ee dhawaan Xilka sida Xooga ah looga Qaaday Siyaasi Maxamuud Sayd aadan,Cabdi Barre Garuun iyo Maxamed Aw-Libaax.

 

Afartaasi Qof ayaa Dowladda Itobiya iyo Maamulka Jubaland waxa ay u arkaan in Caqabad ay ku yahiin Hananka Maamul ee Gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Cornel C/rashiid Macalin Gaas ayaa Carbaabay Beelaha Soomaaliya awal in ay ahaayeen 5-Beelod balse hada ay noqdeen 7 isaga oo ku soo daray Dowladaha Itoobiya iyo Kenya.

 

Waxaa lagu wadaa maalinta Bari ah in Magaladda Kismaayo lagu doorto Madaxweynaha Maamulka Jubaland,kaas oo sida iska cad loo dooran Doono Madaxweynaha iminka Taladda haya ee Axmad Maxamed Islaam