Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau oo sheegay inuu wali nool yahay

0
485

Hogaamiyihii Boko Haram Abubakar Shekau ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu dhintay, ama dhaawac culus soo gaaray, kadib markii uu soo duubay fariin maqal aheyd.

Fariintan maqalka aheyd oo socotay 8 daqiiqo ayuu ku beeniyay in la bedelay, waxaana uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ka soo baxayay dowladda Nigeria iyo Chad.

“Aniga waa noolahay, waxaa dhimanayaa waqtiga ay Alle xagiisa ka soo dhamaato”ayuu yiri Shekau.

Madaxweynaha Chad Idriss Debi ayaa todobaadkii hore sheegay in la bedelay Shekau, isla markaana Boko Haram dooratay hogaamiye cusub.

Shekau oo kooxdiisa ay la midowday Daacish ayaa waxaa uu wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Nigeria, kaasoo ahaa in saddex bil gudahood lagu bur burin doono.

Hogaamiyahan ayaa muddo bilo ah ka soo muuqan muuqaalo ay Boko Haram soo bandhigtay, waxaana taas ay dhaliay shaki badan oo ku saabsan in xaaladiisa nololeed wax la iska weydiiyo.