K/AFRIKA : Faah Fahin Dherad ah Oo Laga Helaayo Gabar Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magalada Durban

0
997
Wararka laga helayo Magaalada Durban ee Dalka South Africa ayaa sheegaya in xalay fidkii Hotel kuyaala Magaaladaasi laga helay meydka gabar Soomaali ah oo ka shaqeeneysay maqaayad ku dhax taala isla Hoteelkaasi.
Goobjooge ku sugan Magaalada Durban ayaa noo xaqiijiyay in gabadhan Soomaaliyeed meydkeeda laga helay qol katirsan Hoteel kuyaala Magaaladaasi oo ay daganeeyd waxaana la sheegay in gabadha loogu tagay qolkeeda iyada oo meyd ah.
Ila madax banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in gabadha dhimatay oo magaceeda lagu koobay Aisho ay ka baxday shaqada Maqaayada ayna gashay qol ay Hotelka ka dagneed, waxaana la sheegay in xiligaa kadib qolkii ay dagneed loo badinayo in loo jabiyay kadibna ceejo lagu dilay.
Ilaa iyo haatan lama oga cida dishay iyo sababaha ka dambeyay dilka gabadhan Soomaaliyeed ee kunooleed Magaalada Durban ee Gobolka Kwazuku Natal, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada booliiska Magaaladaasi iyado la xiray shan qof uu ku jiro milkiilaha hotelka ay gabadha daganeeyd
Ugu danbeeytii soomaalida kunool Magaalada Durban ayaa aad uga naxay dhimashada Gabadhan Soomaaliyeed oo loo badinayo in la dilay, waxaana si weyn looga hadal hayaa dhacdadan magaaladaasi iyo magaalooyin kale oo katirsan Dalka Koonfur Afrika.
gabar south africa lagu dilay