Maamulka Gobolka Banaadir oo horumarka Muqdisho ku xiray in la helo amaan la isku haleyn karo

0
291

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horumarka Gobolka Banaadir uu ku xiran yahay ammaanka Magaalada Muqdisho oo la hormariyo, sidaasina uu ku imaanaayo horumar.

Xasan Maxamed Xuseen Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ayaa tilmaamay in Magaalada Muqdisho la maal gashan karo kolka ammaanka Magaalada uu noqdo mid hagaaga oo Booliska iyo Nabad Suggida ciidamada ay la shaqeeyaan.
“Meel foodo iyo amnigeeda aanan wanaagsaneyn lama maalgashan karo, waxaa loo baahan yahay in shacabka ay la shaqeeyaan ciidanka Nabad Suggida iyo Booliska oo amniga ay kala shaqeeyaan si horumarka iyo wanaaga Muqdisho ay sii socoto.” Ayuu yiri Muungaab.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somalia ayaa ku dadaalayaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.