Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan shiikh adan oo Xudur Manta Garay

0
360
Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ayaa Sabtidii shalay gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo safarkiisa uu ku qotomay siduu u kormeeri lahaa xaaladda degmada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xarumo dhowr ah oo ay ku jiraan kuwa caafimaadka, waxbarashada iyo ciidanka.
Wuxuu kulan la qaatay qeybaha bulshada, saraakiisha ciidanka iyo maamulka gobolka, isagoo ku dhiirrigaliyay inay xoojiyaan wada-shaqeyntooda iyo horumarinta deegaankooda.
Wuxuu ballanqaaday inuu maamulkiisa wax wayn ka qaban doono horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, wuxuuna ka codsaday dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidanka si loo soo celiyo amniga iyo kala dambaynta, isagoo sheegay in marka amniga la xoojiyo kaddib la heli karo fursad lagu tayeeyo adeegyada dadweynaha.
Wafdiga madaxweynaha ayaa isla shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo oo uu markii hore ka tagay.