Madaxweynaha Puntland oo si degdeg ah ku magacaabay gudiyo Arimaha Gobolka Mudug

0
365

Madaxwaynaha Maamulka Puntland ayaa Maanta magacaabay gudiyo ka shaqayn doona baahiyaha aas aasigaa ee Gobolka Mudug, waxaana gudiyadaas ay ka koobanyihiin Xildhibaano, Wasiiro, waxaana sidoo kale qayb ka ah Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Ku : Dhammaan haya’daha Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug

Og: dhammaan Qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug

Ujeeddo: Magacaabis Guddiyo.

Waxaa dhammaan haya’daha Maamulka ee Gobolka Mudug lagu wargelinayaa in la magacaabay guddiyo farsamo iyo hawl fulin oo ka kooban saddexda gole ee Maamulka,kana shaqeyn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha aasaasigaa ee Gobolka Mudug.

Guddiga amniga

1. Cabdiweli Xirsi Cabdulle wasiirka Ganacsiga guddoomiye

2. C/laahi Jaamac Cali wasiiru dowlaha Caafimaadka

3.Cali Yusuf Jaamac wasiiru dowlaha arrimaha gudaha

4. Xil. Axmed Jaamac Cabdille

5. Xil. Cabdulqaadir Xuseen Nuur

6. Xil .Cabdulaahi

7. Axmed muuse Nuuryare K/s Gudoomiyaha Gobolka Mudug
Guddiga horumarinta iyo qaabeynta Magaalada

1.Cabdirashiid Maxamed Xirsi wasiirka HGG guddoomiye

2.C/raxmaan Jaamac kulimiye wasiiru dowlaha kalluumaysiga

3.Xil. C/xakiin Macalin Daahir

4.Xil. Maxamed Cabdi Warsame

5. C/raxmaan Maxamuud Xaaji Agaasimaha Guud ee PMPF

6.C/casiis Jaamac Nugaal ,Duqa Magaalada Gaalkacyo

Guddiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada

1.Cali C/laahi Warsame wasiirka deegaanka guddoomiye

2.Bashiir C/raxmaan Gurxan wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Gobolada.

3.C/qani Geele Maxamed wasiiru dowlaha Duulista hawada iyo Garoomada

4. Xil. C/risaaq Yasiin Cabdulle

5. Xil .C/qaadir Faarax Bootaan

6.Xil. Nuuradiin C/rashiid Cali