Madaxweyne Xasan oo goordhow ka hor imaaday Mooshinka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada

0
374

Madaxweynaha dalkaXasan Sheekh Maxamuud, oo shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada dalka ayaa ka hadlay Mooshinka ay maalinimadii shalay ka gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay Mooshinka, waxa uuna dhaliil culus u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay kuwo qaarkood dalka duminaaya.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay inuu soo dhaweynaayo fekerka Xildhibaanada, isagoona ku tilmaamay mid uun qayb ka ah shaqadooda.

Madaxweynaha waxa uu saluugay in Mooshinka xilligan lagu soo beego, wuxuuna sababta ku sheegay in dib u dhac uu ku keenaayo dalka iyo shaqada Dowladda Federalka Somaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu si adag uu u dhaliilay shakhsiyaad gaar ah oo sida uu sheegay, iska leh abaabulka Mooshinka Arbacadii gacanta loo geliyay Guddoonka Sare Baarlamaanka.

Waxa uu shakhsiyaadkaasi uu ku dhaliilay inay Mooshinkan ka lee yihiin dano gaar ah, taasina ay tahay midda keentay inay xilligan karkariyan.

Waxa uu soo hadalqaaday shaqada Dowladda, waxa uuna carab dhabay in guulo waaweyn ay soo hoysay Dowladda, inta dhimana ay qaban doonto.

Madaxweyne Xasan, ayaa ammaanay Hay’adaha Dowladda Somaliya, ka dib markii uu tilmaamay inay wada shaqayn wanaagsan lee yihiin, ayna isku duuban yihiin, sida uu yiri.