Magacyada Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo la shaaciyay

0
631

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa xalay shaaca ka qaaday magacyada afar musharax oo ku tartami doona doorashada dhaceysa maalinta sabtida ee ku began 15-ka bishan.

Sida ay sheegeen Guddiga qaban qaabada doorashada Waxaa shuruudaha musharaxnimo buuxiyay afar musharax oo hada ku tartami doona doorashada, waxaana maalintii shalay ku ekeed qabashada araajida musharaxinta .

Guddiga Doorashada ee Maamulka Jubbaland ayaa xalay kulan waxa ay la qaateen afarta musharax ee ku tartami doona madaxweynaha maamulka Jubbaland,, waxa ayna kala hadleen arimo khuseya doorashada dhaceysa.

Magacyada afarta Musharax ee tartami doona ayaa kala ah

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
Cismaan Xuseen Xaaji Fayruus
Hilowle Adan Maxamed
Maxamed Cismaan Yusuf

Waxaa la saadaalinayaa in doorashadan uu ku guuleesna doono Hogaamiyaha talada Maamulka Jubbaland haya ee Sheekh Axmed Madoobe,, musharaxiinta kale ayaa ah kuwa aan saameyn badan laheyn oo la tartami kara Axmed Madoobe.

Shirka-Jubbaland