Maman Sidkou oo difaacay doorka ciidamada Kenya ka qaadanayaan howl galka AMISOM

0
418

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maman Sidikou ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM aanay ka bixi doono Soomaaliya.

Maman Sidikou ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in ciidamada Kenya door weyn ka qaateen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Kama baxayaan Soomaaliya Ciidamada Kenya, joogitaankooda wuxuu door ka qaadan doonaa sidii Al-Shabaab loogaga saari lahaa meelo badan”ayuu yiri Sidikou.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galka AMISOM uu soo hoyay guulo la taaban karo, isagoo soo hadal qaaday degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga saaray ee Baardheere iyo Diinsoor.

Mucaaradka Kenya ayaa ku baaqay in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab weeraro is xig xiga ka geysata gobolka waqooyi bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa waxaa uu xilligan culeysyo dhinaca milateriga ka soo fuulaya Ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

AMISOM OO KAWARBIXISAY DILALKA MARKO (2)