Maxkamada Maamulka Somaliland oo riday Xukun dil toogasho ah

0
315

Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Maamulka Somaliland oo 29-July-2015- u fadhiisatay dacwad dil ah ayaa maanta oo taariikhdu tahay 03-August-2015, waxay soo saartay xukun dil ah oo lagu riday nin ka tirsanaa Ciidanka booliska balse lagu helay inuu dil bareer ah u gaystay Marxuum Cabdi Nano.

Askariga dilka lagu xakumay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Cabdi Cilmi waxa uuna sanajirkiisu yahay 55 Jir, iyadoona ay Maxkamadu Askarigaasi u cuskatay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada.

“Maxakamaddu markay aragtay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada xilliga nabadda iyo xeerka ciqaabta guud, waxay xukuntay Rafcaanle Cabdillaahi Cabdi Cilmi oo 55 Sanno jir ah, magaca hooyadiina la yiraahdo Faadumo, Axmed, waxaanay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku caddaatay inuu dil ula kac ah ku dilay Marxuumka Magaciisa la odhan jiray Cabdi Cismaan Cali (Cabdi Nano), taariikhdu markaya ahayd 02-June-2015.”

Dilka Marxuum Cabdi Nano ayaa ka dambeeyay Muran dhul oo ka dhacay degaanka Masallaha Magaalada Hargeysa, kaasi oo ka dhexeeyay dhinacyada dilku ka dhex dhacay,iyadoo dhibaatooyinka dhulka ee Somaliland yihiin kuwo soo noqnoqday marar badana gaystay khasaare dhimasho.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Somaliland ayaa inta badan fulin dilalka toogashada ah, waxa ayna badi reeraha uu dhex maro dilka arrimahooda ku xashtaan xeer hoosaad.