Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ah ku fulisay askari Kamida Militariga

0
355

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada milateriga, kaasoo horay u dilay askari kale.

Askarigan ayaa waxaa uu bishii shanaad ee sanadkan si bareer ah askari kale ugu dilay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Xukunkan oo ka dhacay fagaaraha School Polizio ayaa askari dilka lagu fuliyay waxaa lagu magacaabayay Maxamed Cali Aadan oo 30-jir ahaa.

Kaaliyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/dhexe Xasan C/raxmaan Aadan ayaa ka hadlay heerarkii ay soo martay maxkamadeynta askarigan.

“Maalintii taariikhda aheyd 18 bishan maxkamadda darajada koowaad waxay u fariisatay dacwad ciqaabeedka eedeysane Maxamed Cali Aadan oo 30-jir ah, oo ka tirsanaa Guutada 3aad ee ciidamada xooga dalka, waxaa uu 20-kii bishii shanaad uu degmada Baraawe ku dilay marxuum C/fataax Maxamed Axmed”ayuu yiri Kaaliyaha Maxkamadda Darajada koowaad.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fuliso askar ka tirsan ciidamada xooga dalka, kuwaasoo dilal u geysta askar iyo shacab, waxaana Maxkamadda ay soo waday xukunada tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo si rasmi ah loo howl geliyay.