Wararka ka imaanaya Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Maamulka Jubbaland ay Degmada ku Xireen Odayaal ka soo horjeestay Maamulka Cusub ee Gobolka Gedo uu u Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Odayaasha la Xiray ayaa gaaraya ilaa 4 Oday,kuwaas oo la soo Warrinayo in ay ka soo horjesteen Maamulka Gobolka loo Magacaabay.
Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in Xariga Odayaasha lagu xiray Amarkiisa uu bixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Dhawaan Xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil,kaas oo Guddoomiye kale Gobolka u Magacaabay.