QM oo ka deyrisay nolosha dadka ku sugan deegaanadii lagala wareegay Al-shabaab

0
376
Peter De Clercq , U.N. Resident and Humanitarian Coordinator in Sudan, speaks during a news conference in Khartoum December 13, 2011. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah
Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ku aadan dhibaatada ka jirta deegaanadii dhawaan Alshabaab laga saaray ee ku yaala Gedo iyo Bakool oo muddo sanado ah Alshabaab ay ka talinayeen.

Xiriiriyaha arrimaha gargaarka bini’aadminimo ee qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Peter De Clercq ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay dhulka dhawaan laga qabsaday al Shabaab gaar ahaan degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor ee gobolada Gedo iyo Baay, waxaaana uu ku baaqay in gurmad dheeraad ah loo fidiyo dadka ku nool dhulkaasi.
Xiriiriyaha ayaa sheegay in dhibaatada dadka deegaanka heysata ay kamid tahay ineysan helin muddo sanado ah adeegyada aasaasiga oo ay u baahan yihiin, waxaana aad looga deyriyay arimaha caafimaadka iyo waxbarashada.
De Clercq, ayaa cadeeyay in waxyaabo badan uu kusoo arkay degmooyinka uu tagay ee Baardheere iyo Diinsoor oo ah degmooyinkii dhawaan Alshabaab lagala wareegay, waxaana dadka deegaanka ka muuqday dhibaato badan.
Kulamo kala duwan ayuu sheegay inuu la qaatay dadka deegaanka uu la kulmay isagoo ka dhageystay dhibaatooyinka dhanka bini’aadanumada oo ay qabaan.
Beesha caalamka iyo hayadaha ka shaqeeya deegaanadaasi ayuu ugu baaqay iney caawinaad u fidiyaan dadka dhibaateysan, isagoo sheegay in dhibaatada ay sidoo kale heysato dadka xoolo-leyda iyo beeraleyda oo aan helin biyo toos ah.