Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha

0
564
Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia.

Warqad magacaabis ah oo uu ku saxiixan yahay Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu faafiyay Warbaahinta Dowladda, waxaana Xilka Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha loo magacaabay Yaxye Cali Ibraahin.
Yaxye ayaa ahaa hada La taliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia, sidoo kale Yaxye wuxuu madax ka yahay Jaamacada SIU ee ku taallo Magaalada Muqdisho.
Warqada Magacaabista ayaa soo baxday 15-kii Bishan, balse Warbaahinta ayaa lagu faafiyay maanta oo 18-ka Bisha ah.

xogeeyah joogtada ah ee wasradaarimaha gudha