Saraakiil ka tirsan Soomaaliland oo Boorame lagu toogtay Iyo Xiisada Oo Kacsan

0
340

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal Somaliland, waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Milateriga Somaliland uu toogtay Gaashaanle Sare Xasan Caqli iyo Xiddigle Faarax Caraale.

Xidigle Faarax Caraale ayaa goobta ku geeriyooday, halka dhaawac culus uu qabo Sarkaalka lagu magacaabo Xasan Caqli oo ah Taliyaha Aaga Galbeed ee ciidanka Soomaliland.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan ayaa xaqiijiyay toogashadaan maanta ka dhacday Magaalada Boorama ee Soomaaliland.
Askariga falka toogashada geystay ayaa durba gacanta lagu dhigay waxaana uu ku xiran yahay Magaaalda Boorama.
Sarkaalka dhaawaca culus uu soo gaadhay ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Boorama.
Waa sarkaalkii afaraad ee ka tirsan ciidammada Somaliland oo labadii sano ee u danbeeyay ay toogtaan askar ay u talinayeen.