Sarkaal Amisom ka tirsan oo Muqdisho isku dila, kadib markii uu saaxiibtiis dily

0
386

Sarkaal ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa is dilay, kadib markii uu dilay saaxiibtiis oo xiriir jaceyl uu kala dhaxeeyay.

Sheekada arintaan ku saabsan ayaa waxaa qoray Wargeyska The Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda, waxaana Wargeyska uu sheegay in Sarkaalkaasi uu dilay saaxiibtiisa, isagana uu is dilay.
Si rasmi ah looma haayo faah-faahinta ku saabsan sababta Sarkaalkaasi uu u dilay Saaxiibtiisa uu isagana isku dilay, balse Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa xaqiijiyay dhacdadaan waxaana ay sheegeen inay wadaan baaris ku aadan qaabka dilka uu u dhacay.
Saldhig ciidanka Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayuu dilkaan ka dhacay, inkastoo aanan la sheegin Saldhigaasi.
Dilkaan ayaa wuxuu dhacay Maalintii Axada ee Todobaadkaan.
Sarkaalka saaxiibtiisa dilay, kadibna isaga isdilay ayaa lagu magacaabaa Aaron Kitakure, wuxuuna dilkaan dhacay Maalintii Axada Todobaadkaan, labadan ruux ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir jaceyl oo aad u wanagsan.
Afhayeenka guud ee ciidanka Milateriga dalka Uganda ayaa xaqiijiyay inay jirto dhacdadaasi, balse waxa uu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka amuurtaan ay u dhacday.
“Waa run inay labadooda geeriyoodeen, waxaana haatan socda baaritaano, mana bixin karo faah-faahin dheeraad ilaa laga soo dhamaystirayo Baaritaankaasi.” Ayuu ku gaabsaday Afhayeenka Ciiddanka Uganda.

AMISOM