Shirkadda Soma Oil & Gas codsatay in ay la kulanto Qaramada Midoobay

0
362

Shirkadda fadhigeedu yahay Uk ee Soma Oil & Gas Holdings Ltd., ee madaxda uu ka yahay hogaamiyihii hore ee xisbiga Conservative Michael Howard ayaa waxa ay ka codsadeen Qaramada Midoobay in ay kulan la yeeshaan si ay ugaga hadlaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Shirkadda ayaa waxa ay si gaar ah ugu codsatay in ay la kulanto guddoomiyaha guddiga golaha ammaanka Rafael Dario Ramirez qoraal lagu soo daabacay shabakadeeda iyadoo lagu qeexay qoraalkana sida ay shirkadu u aragto warbixin ay daabaceen guddiga dabagalka Qaramada Midoobay taasoo shirkaddu ku macneysay in ay tahay is faham la’aan qotodheer oo ka jira arrimaha gaaska iyo saliida ee Soomaaliya.

Soma ayaa dooneyso in ay cadeyso sida ay u dooneyso faham dhab ah oo ah awood dhisida wasaarada Batroolka iyo Kheyraadka ee Soomaaliya.

Xafiiska UK ee arrimaha musuqmaasuqa ayaa ku dhowaaqay 31kii July in ay baaritaan ku sameynayso shirkada xarunteedu tahay London ee Soma, Soma Oil & Gas Exploration Ltd., Soma Management Ltd. iyo qaar kale eedeymo la xiriira musuqmaasuq ka dhacay dalka Soomaaliya.

Soma ayaa beenisay eedeymaha waxana ay sheegtay in ay u hogaansamayso baaritaanka. Hase ahaatee Qaramada Midoobay ayaan weli wax jawaab ah ka bixin codsiga ay u soo jeedisay shirkaddan.

Shirkadda_Soma_Oil_&_Gas_UK_660