SIDIKOU: Dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay ka Qayb-qaatan Horumarinta Dalkooda Hooyo

0
362

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, isla markaana ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou ayaa ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed inay ka jawaabaan baahiyaha deg-degga ah ee uu dalkoodu u baahan yahay, sida soo nooleynta dhaqaalaha bulsho ee dalkooda iyo tan siyaasadda.

Danjire Sidikou oo ka hadlayay Maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada Dunida ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka Qaataan sidii lagu Xaqiijin lahaa Aragtida Hiigsiga 2016-ka ee dalkooda.

“Waxaa la idin ka Doonayaa Haddii aad tihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed inaad Xoogga saartaan sidii aad dalkiinna dib ugu soo nooleyn lahaydeen. Sidoo kale, waxaa la idin kaga baahan yahay inaad muujisaan aragtidiina ku aadan in la xaqiijiyo deggenaashaha Somalia. Waxaan idin kugu baaqayaa inaad diidaan wax walba oo lagu weecinayo Aragtidiina, kuna dadaashaan sidii aad u dhisi lahaydeen Soomaaliya wanaagsan laguna noolaan karo,” ayuu Sidikou ku yiri war-saxaafadeed uu maanta soo saaray.

Sidoo kale, Egayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa intaas raaciyay. “Waxaan idin ku boorrinayaa inaad diiddaan Qorshe walba oo Kooxaha Argagaxisada ah ay Doonayso inay idin kusoo jiidato, gaar ahaan Al-shabaab oo hadafkoodu yahay inay wax Bur-buriyaan oo keliya.”

Dhanka kale, Danjire Maman S. Sidikou ayaa ka Codsaday Dowladda Federaalka Somalia inay la timaaddo Qorshayaal ku aaddan sidii ay dhallinyaradu shaqooyin ku heli lahaayeen, ugana Qayb-qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Hal-ku-dhigga Sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka ayaa loo Aqoonsaday inay Noqoto; [Isku-xirnaanta Bulsho ee Dhallinyarada], taasoo loola jeedo in ay Dareemaan Arrimaha Saameynta ku leh Dhallinyarada Caalamka iyo inay Wadaagaan Warbixinnada ku Saabsan Hoggaamiyeyaashooda.

Ugu dambeyn, Qiyaasaha la Sameeyay ayaa Muujinaya in 12-ka Milyan ee ay ka Kooban yihiin shacabka Soomaaliyeed ay dhalilnyaradu ka yihiin 8%, ayna gacan weyn ka geysan karaan horumarinta iyo xasilinta Waddankooda.

Sidikou_Naitobi_Shir_jaraaid (1)