Taliska Asluubta Hiiraan oo sheegay inay fashiliyeen weerar Shabaab ay ku doonayeen inay maxaabiis ku furtaan

0
333

Taliska ciidanka Asluubta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay fashiliyen weerar Al Shabaab ay ku doonayeen inay maxaabiis kaga furtaan xabsiga Magaalada Beladweyne oo rag Shabaab ah ay ku xiran yihiin.

Cali Cabdule Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay qorshaha weerarkii Al Shabaab habeen hore ay ku qaadeen Xabsiga Magaalada Beladweyne uu ahaa mid ay ku doonayeen inay ku furtaan maxaabiis.
Waxa uu sheegay weerarkaasi inuu fashilmay ciidamadii Shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaadayna si adag la isaga caabiyay oo aysan u suuragelin ujeedkii ay u soo weerareen xabsiga.
Ciidamada Asluubta ee ku sugan Xabsiga Magaalada Beladweyne ayaa iska caabiyay weerarka Shabaab ay ku qaadeen xabsigaasi.
xilibaano iyo masuliyin ka tirsan mamuulka gobalka hiiraan oo boqday xabsiga dhaxe (3)