W. CAAFIMAADKA: Muddo hal sano ah Cudurka Dabeysha lagama helin Muqdisho {DAAWO SAWIRADA}

0
361

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya, Xaawo Xasan Maxamed oo ay Wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Caaafimaadka Adduunka ee WHO iyo Qaybta Arrimaha Bani’aadanimada ee QM ayaa Maanta ka Qayb-galay Xuska Sannad-guuradii Koowaad ee kasoo Wareegtay Markii Muqdisho laga Waayay Cudurka Dabeysha [Polio], iyagoo si wadajir ah Talaalka Cudurkan looga hortago u siiyay Carruur Soomaaliyeed.

Madaxa Hay’adda WHO ee Somalia, Dr. Buubaal ayaa ku tilmaamay arrin lagu farxo in muddo hal sano ah aan Soomaaliya laga helin cudurka dabaysha, kaddib dadaal badan oo arrintan ku bixiyeen Hay’adaha kala duwan ee Caafimaadka.

“Waxay ahayd maanta oo kale Hal sano kaddib oo aan wax cudurka dabaysha ah laga helin Muqdisho, waxaan xasuustaa bishii May Sanadkii 2015-kii, qiyaastii la sameeyay, waxaan u imaanay inaan ka Qayb-qaadano Cirib-tirka Cudurkan oo ah mid halis ah. Waxaan rabaa inaan uga Mahad-celiyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta arrintan, anigoo si gaar ah ugu mahad-celinaya Madaxda Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya iyo Shaqaalaheeda. Sidoo kale Waxaan u mahad-celinayaa Hay’adaha Dowladda Somalia ka Taageeray Cirib-tirka Cudurkan, kuwaasoo si aad ah ugu dadaalay muddo 12-kii bilood ee aan soo dhaafnay arrintan,” ayuu Dr Buubaal ka yiri munaasabadda.

Sidoo kale, ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Pitter Digler, isla markaana ah isku-duwaha gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa isagana farriin ku aaddan ka hortaga cudurka dabaysha u diray Waalidiinta Soomaaliyeed.

“Waxaan doonayaa inaan halkaan Farriin ugu diro Waaliddiinta Soomaaliyeed, Taasoo ah in cudurkan uusan lahayn wax dawo ah, laakiinse ay tahay in laga Hor-tago, marka waxaan u sheegayaa Waaliddiinta Soomaaliyeed in carruurtooda ay ka talaalaan cudurkan oo uusan ka dilin cudurka iyagoo heli kara laba dhibcood oo tallaalkiisa ah,” ayuu yiri Pitter Digler.

Dhanka kale, Wasiiradda Caafimaadka Xukuumadda Somalia, Xaawo Xasan Maxamed oo ka hadashay xafladda ayaa ka sheekeysay Marxaldihii uu Cudurkan Dabaysha soo maray, iyadoo xustay inay dadaalka cudurkan looga cirib-tiray Somalia ay kawada Qayb-qaateen gabi ahaan Hay’adaha Caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

“Halkan waxaan uga mahad-celinayaa Shaqaalaha Hay’adda WHO oo dadaal ku bixiyay sidii cudurkan loo cirib-tiri lahaa; runtiina arrintaas waa mid faraxad leh in Hal sano aan wax cudurka Dabaysha ah laga helin Somalia; Waxaan xasuustaa Sannadkii 2013-kii in Somalia laga helay 198-caruur ah oo la xanuunsan cudurkan; kuwaasoo ka badbaa dadka Cudurkan uu ku hayo Caalamka oo dhan. Marka waan sii wadaynaa Tallaalka Cudurkan halista ah looga hortagayo,” ayay tiri Wasiiradda Caafimaadka Xukuumadda Somalia.

Ugu dambeyn, Soomaalia ayaa Waxay ka mid tahay Dalalka dhowr jeer oo isku xiga laga helay cudurka dabeysha, iyadoo cudurkan uu naafeeyo ilmaha uu ku dhaco; iyadoo muddo sannodo ah ay Somalia ka socdeen ololayaan lagu Cudurkaan halista ah lagu cirib-tirayo.

wasarada caafimadka iyo talaalka (1) wasarada caafimadka iyo talaalka (2) wasarada caafimadka iyo talaalka (3) wasarada caafimadka iyo talaalka (4) wasarada caafimadka iyo talaalka (7) wasarada caafimadka iyo talaalka (8) wasarada caafimadka iyo talaalka (9) wasarada caafimadka iyo talaalka (10) wasarada caafimadka iyo talaalka (11) wasarada caafimadka iyo talaalka (12)