Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xarunta Jaamacada Kismaayo

0
362

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta Jaamacada Kismaayo, halkaas oo xarun u aheen ciidamo isku dhaf ah oo loo tababarayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo buuxiyay oo nuuciisu ahaa NOAH ayaa la sheegay in lagu weeraray xarunta Jaamacada Kismaayo, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ruuxa weearkaasi fuliyay uu kamid ahaa Ciidamada Jubbaland ee halkaasi lagu tababarayay.

In ka badan 10-qof oo u badnaa ciidankii xeradaasi lagu tababaray ayaa qaraxa ku dhintay, waxaa sidoo ku dhaawacmay in kabadan 10-qof oo kale, kuwaa oo lagu daweenayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad u kacsan , waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u hubeesan kuwaa oo wadooyinka qaarkood xiray, waxaana si weyn Magaaladaasi looga hadal hayaa qaraxa xoogan ee maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada Weerarka ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday xerada lagu tababarayay ciidanka isku dhafka ah oo katirsan Milatariga Dowlada Federaalka Soomaaliya.