Wasaarada Arrimaha gudaha oo ku dhowaaqday in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe dib loo dhigay

0
565

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in dib loo dhigay shirkamaamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Afhayeen Wasaarada Arrimaha Gudaha C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in sababo badan awgeed dib loogu dhigay shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Hase yeeshee afhayeenku ma carabaabin xilliga la qaban doono shirka oo la qorsheynayay in uu bilowdo 1da bisha September.Taasoo shaki weyn gelinaysa qabsoomida shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Qabashada shirkan ayaa waxaa hareeyay khilaafyo isdabajoog ah waxaana shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu heshiin waayay qaabka loo soo xulayo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiyaasha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe C/fataax Xasan Afrax iyo Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa labaduba waxa ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

 

odawaa c.fitaax iyo cali guud laawe