Wasiir Dowlaha Maaliyada Oo Baarlamaanka Hortagay.

0
308

C/llaahi Maxamed Nuur Wasiir Dowlaha Wasaarada Maaliyada  Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta Baarlamanka Soomaaliya ka hor Akhriyay Hindise Sharciyeedka  ka hortaga Been Xalaaleeynta Lacagaha iyo Maalgalinta Arrgagixisada.

C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qaar kamid ah Xildhibaanada ay Su’aalo ka weydiiyeen Hindise Sharciyeedkaan maanta uu horgeeyay.

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur iiker oo ahaa Shir Guddoonka Kulanka maanta ayaa sheegay in Xildhibaanada Soomaaliya loo qeybiyay Sharcigaan Muhiimka ah islamarkaana ay soo Akhrisan doonaan.

Sidoo kale waxaa Maalinkii Labaad Baaqday Hindise Sharciyeedka Iskaarsiinta Dalka oo Baarlamaanka Soomaaliya ay u balan sanaayeen  in ay ka Doodaan.