Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Somaliland oo Maanta Is-casilay

0
340

Wasiir kuxigeenkii wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, C/kariin Axmed Mooge ayaa Shaaciyay Maanta inuu ska casilay xilkii uu ka hayay Wasaaraddaas.

Wasiir ku xigeenkan iscasilay ayaa sheeegay inuu doonayo inuu u madax banaanaado sidii uu ula Dagaallami lahaa Qabyaaladda, isla markaana Hormuud u Noqon doonno Arrimaha Qabyaaladda iyo sidii loo cidhib tiri lahaa.

“Waxaan halkan ku caddeynayaa inaan iska casilay xilkii aan Dadka Somaliland u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duwana ee uu magacaabey si aan ummadeyda ugu shaqeeyo,” ayuu yidhi C/kariim Axmed Mooge.

“Waxaan rabaa uun in aan u Madax-banaanado Hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyn tahay Ololaha la dagaalanka Qabyaaladda iyo u Doodista sinaanta Shacabka Somaliland,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Wuxuu kaloo sheegay inuu u mahad-naqayo Muddaddii uu la Shaqaynayay Wasiirka Qor-sheynta Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirkii Wasaaradda Kalluumaysiga, Cali Jaamac Bureed oo uu isagana muddo la shaqaynayey.

Cabdikariim Maxamed Mooge ayaa ka soo jeedda qoys fanka ku caan ah, waxaana dhalay Axmed Mooge Liibaan, sidoo kalena waxa adeer u ah Maxamed Mooge Liibaan, waxaanu intii uusan Siyaasadda soo galin ka shaqayn jiray Hay’adaha Samafalka Caalamiga ah iyo kuwo Waddaniga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdikariim Mooge ayaa ah dhallinyarada inta badan ka Ololaysa arrimaha qabyaaldda, waxaanu sheegay inuu doonayo inuu wakhti gaar ah siiyo sidii uu dhalinyaradad uga wacyigelin lahaa qabyaaladda.

Wasiir_ku_xigeenkii_Qorsheynta_Somaliland_660