Wasiirka Difaaca Somalia oo Xaqiijiyay inay Ciidammo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn AMISOM

0
324

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa xaqiijiyay inay Somalia ku sugan yihiin ciidammo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn Ciidanka AMSIOM, isagoo intaas ku daray inay dhici karto inay Caawinayaan Ciidamadooda kale ee ka tirsan Hawl-galka AMISOM.

Jen. Diini ayaa sheegay inay suura-gal tahay in ciidanka AMISOM ka socda ay caawimaad ka helaan cidammo kale, si haddii culeys soo fuulo uga helaan Gurmad, Wuxuuna arrintaas ku tilmaamay inay tahay arrin aanu dhib ku jirin.

“Intaan ogahay way dhici kartaa in ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay caawimaad weydiistaan ciidanka kale ee dalkooda haddii culeys soo fuulo. Amar Qaadashadana ciidan walba dowladdiisa ayuu ka qaadanayaa, inuu xiriir la sameeyana waa waajib, lama dhihi karo xiriir hala yeelanina,” ayuu yiri Jen. Diini oo la hadlayay Idaacadda VOA-da.

Ciidamada Itoobiya ayaa horraantii 2014-kii ku biiray howlgalka AMISOM, iyadoo horay u jireen warar sheegayay in ciidamo ka badna ciidamada AMISOM ka tirsan ay ku sugan yihiin dalka.

Ugu dambeyn, shalay ayay ahayd markii Taliyaha Qaybta 4-aad ee Hawlgalka AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil oo wareysi siiyay VOA-da uu markii u horreysay qiray in qayb ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somalia aysan ka tirsaneyn AMISOM.

diini