Wasiirka Warfaafinta oo si kulul uga hadlay Wariyeyaasha Ahlu Sunna ay xirtay

0
318

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka hadlay Wariyeyaasha ku xiran Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo u xiran Ahlu Sunna.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay xariga Ahlu Sunna ay kula kacday Suxufiyiinta ku sugan Dhuusamareeb.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia ayaa Ahlu Sunna ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah ku siideyso Wariyeyaasha ugu xiran Magaalada Dhuusamareeb.
“Waa arrin aanan haboonayn in Xadgudub loo geysto wariyaasha wixii qaldan waa laysla ogaanayaa laakiin maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof Gudanaya waajibkiisa Shaqo ee loo Idmay, Ahlusunna waxaan leeyahay ha Siidaayaan wariyaasha” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Tirada Wariyeyaasha u xiran ciidamada Amisom ayaa gaaraya ilaa lix ruux oo maanta ciidanka waxa ay xireen Wariye Nafiso Xersi Oogle oo Xarunta Idaacad ku taallo Magaalada Dhuusamareeb ay ka qabteen.
Arintani ayaa ah tacadi ciidanka Ahlu Sunna ay kula kacayaan Saxaafada ka howlgasha Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Maareye