Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida oo ku baaqay in la Weerarro Reer Galbeedka

0
343

 

Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Urur-weynaha Al-Qaacida, Osama Bin Laden ayaa soo saaray Farriin uu ku Sheegayo in la Weerarro dalalka reer galbeedka ah, isagoo isagoo si gaar ah u xusay Waddamo ay ka mid tahay Israa’iil.
Hamza bin Laden oo la rumeysan yahay inuu ku jiro da’ada labaataneeyada ayaa la qiyaasayay inuu noqon doono qofkii bedeli lahaa Osama bin Laden isla mar ahaantaasna hoggaamin doona Ururka Al-Qaacida.

 
Fariintan oo lasoo mariyay barta Twitterka ayuu Hamza ku sheegay in la weeraro Maraykanka iyo dalalka ay saaxiibbada yihiin, isagoo dhanka kalena xusay in la weerarro magaalooyinka Paris, London iyo Tel Aviv.

 
Wiilka uu dhalay Osama Bin Laden ayaa intii uu noolaa oo idil wuxuu ku dhex-jiray dagaalada Jihadiga isagoo ka soo dagaalamay dalka Afghanistan. Waxaana hoggaamiyaal badan oo Al-Qaacida ah ay doonayaan inuu noqdo Hamza noqdo Hoggaamiyaha Urur-weynaha Al-Qaacida.

 
Sidoo kale, Hamza bin Laden ayaa Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida wuxuu ku baaqay in dagaalada jihaadiga ah laga soo wareejiyo magaalooyinka Kabul, Gaza iyo Baqdaad loona wareejiyo Magaalada Washington ee xarunta Mareykanka.

 
Fariintan ayaa la rumeysan yahay in lasoo duubay kahor bisha June ee 2015-ka, laakiinse hadda lasoo bandhigay, iyadoo noqonaysa farriintii ugu horeysay oo uu soo duubo wiil uu dhalay Bin Laden.

 
Ugu dambeyn, Tan iyo Markii Bin Laden ay ciidamada ciidanka Mareykanka ku dileen dalka Bakistaan sannadkii 2011-kii ayaa kooxda Al-Qaacida waxaa hoggaaminayay Ayman al-Zawahiri kaasoo ahaa ku xigeenkii Bin Laden.