Xaalada Garbahaarey oo saaka degan, kadib dibad baxyo labadii maalmood ka dhacayay

0
355

Xaalada degmada Garbahaarey ayaa saaka degan, kadib dibad baxyo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayy degmadaas, iyadoo dadka deegaanka ka careysnaayeen is bedel Maamulka Jubbaland ku sameeyay maamulkii heer gobol iyo heer degmo.

Sida ay sheegayaan wararka dadka deegaanka ayaa ka banaan baxayay fara gelinta Ciidamada Itoobiya uu ku sameeyay maamulkii deegaanka, iyagoo xiray Guddoomiyihii Gobolka iyo siyaasiyiintii Gedo ee horay uga soo horjeeday maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka cabanayaan maamul aysan raali ka aheyn, isla markaana marna ogolaan doonin maamul la dul keenay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib heshiiskii Doolow waxaa uu is bedel ku sameeyay Guddoomiyihii Gedo Maxamed Cabdi kaliil, iyadoo xil ka qaadistaas uu ka soo horjeestay Kaliil.

Heshiiskii Doolow ku dhe maray siyaasiyiintii Gobolka Gedo iyo Maamulka Jubbaland ayaa bur buray, waxaana ciidamada Itoobiya ay u soo musaafuriyeen magaalada Muqdisho siyaasiyiintii Gedo iyo Guddoomiyihii gobolkaas.

Dhinaca kale kulamo looga hadlayo xaalada Garbahaarey ayaa maanta la filayaa inuu degmadaas ka dhaco, waxaana kulankaas ka qeyb galaya Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, maamulka deegaanka iyo mas’uuliyiin.