Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Deegaan Muhiim ah oo ay baneeyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM

0
384

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay isaga baxeen Degmada Kurtunwaarey, iyadoo Al shabaab durbaba dib ula wareegen.

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada isgarabsanaayo ay halkaasi kala baxeen gaadiid dagaal iyo saanad Militeri.

Ciidamada ayaa deegaankaasi ka baxay iyaga oo aan galin wax dagaal ah, waxaana qadar yar kadib la wareegay Xoogaga Alshabaab oo ku sugnaa meel aan sidaa uga sii fogeyn deegaanka Kurtunwaarey.

Ciidamada is garabsanaaya ee ka baxay deegaanka ayaa gaaray Degmada Baraawe oo ay ku sugan yihiin Ciidan kale oo ka tirsan Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Ciidamada oo wada socday ay gaaren Degmada Buulo Mareer.

Bixistoodan waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo Ciidanka Amisom ay Talaadadii weerar culus kala kulmayn dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, kana qabsadeen xeradoodii Degmada Janaale.