Al-Shabaab oo weerartay Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin duleedka Beledweyn

0
353

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay meel qiyaastii 7-KM u jirta magaalada oo dhinaca galbeed ku beegan.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Xildhibaan maalmahan ku sugnaa deegaanka Ceel Cali iyo mas’uuliyiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya iska hor imaad muddo socday uu ka dhacay halka wadada loogu galay kolonyadda.

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen dagaalka, waxaana saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen in khasaare ay u geysteen Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ka mid ahaa wafdiga kolonyada la socday ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray Mas’uuliyiintii Kolonyada la socday.

Waxaa uu sheegay in xaalada deegaanka ay tahay mid degan, isla markaana goobtii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhowaanahan waxay howl gal ay kula wareegeen deegaano dhowr ah ka wadeen Gobolka Hiiraan, inkastoo deegaanada qaar ay isaga baxeen, isla markaana ay dib Al-Shabaab u qabsatay.