Chelsea vs Arsenal: Habaarka Blues Ee Epl-ka Miyaa Sii Socon Doona, Mise Gunners Ayey Ku Ciilbixi Doonaan?

0
423

Chelsea ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta Arsenal waana kulanka ugu adag todobaadkaan horyaalka Ingiriiska iyadoo Blues guuldaro soo gaartay ay sii xumeyn karto nolosha kooxdaan iyo iney difaacan karto horyaalka madam ay sadex kulan oo hore guuldaro la kulantay shan kulan oo ay ciyaartay.

Mourinho iyo kooxdiisa 11-dhibcood ayey ka hooseeyaan kooxda hogaanka horyaalka u heysa ee Manchester City, waana fursadii ugu fiicneed oo uu Wenger heysto si uu isaga rido dhibaatada uu ku qabo Mourinho kulamada horyaalka.

Dhanka kale Gunners waxey aruursatay 10-dhibcood shantii kulan ee ay ciyaartay waxeyna la kulmeen kaliya hal guuldaro.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Arsenal

Tartanka: Premier League (Isbuuca Lixaad)

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 2:45 Duhurnimo (Xiliga Geeska Afrika)

LIVE: Shabakadda Laacib.net: si toos ah ayey u tabin doontaa ciyaarta hadii ilaah raali ka noqdo

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

CHELSEA:

Willian ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulankaan kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah looga saaray kulankii Maccabi Tel Aviv ee Champions League-ga sidoo kale saxiixyada cusub ee kooxda Pedro iyo Falcao ayaa lagu daray liiska kooxda balse waxaa la sheegay in shaki uu ku jiro..

Terry iyo Ivanovic oo kulankii Maccabi Tel Aviv kursiga keydka la galiyay ayaa la filayaa iney kusoo laabtaan shaxda Blues.

Diego Costa ayaa kusoo bilaabanaya weerarka Blues isagoo kasoo hormari doona Loic Remy, halka Begovic uu goolka gali doono madama Courtios uu dhaawacan yahay

ARSENAL:

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo ugu ah aysan jirin marka laga reebo Wilshere, Welbeck iyo Rosicky.

Per Mertesacker ayaa dib ugu soo laabtay tababarka diyaarna u ah kulanka maanta, balse Gabriel ayaa rajeynaya inuu sii wado bah wadaga uu la yahay Kosicelny.

Walcott ayaa filanaya inuu kasoo hormaro Giroud kaas oo casaan qaatay kulankii Champions League-ga, sidoo kale Ramsey iyo Bellerin ayaa safka hore ee kooxda kusoo laaban kara.

MA OGTAHAY:

Chelsea wax guuldaro ah kalama kulmin Arsenal todobadii kulan ee ugu dambeysay kulamada horyaalka Ingiriiska (3 barbaro iyo 4-guul)

Arsenal wey ku fashilantay iney wax gool ah ka dhaliso Chelsea afartii kulan ee ugu dambeysay kulamada horyaalka, sidoo kalana laba gool kaliya ayey ka dhaliyeen todobadii kulan ee horyaalka.

Arsene Wenger wuxuu helay guushiisii ugu horeysay oo uu ka gaaro Mourinho dhawaan mar ay labada kooxood ku kulmeen finalka koobka Community Shield-ka, waana markii ugu horeysay oo uu badiyo 14-kulan oo uu ka hor yimid tartamada oo dhan (6 barbaro iyo 7-guuldaro).

Eden Hazard ayaa gool dhalinayay kulan walba labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay Arsenal soo booqato Stamford Bridge, labada goolna waxey ahaayeen rigooreyaal yimid qeybta hore ciyaarta.Theo Walcott ayaa dhaliyay 11-gool, 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo uu kuso bilowdo kulamada Arsenal.

Arsenal waxey guul gaartay 7-jeer, wax guldaro ahna lama kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay banaanka kusoo ciyaartay.

Chelsea wax gool ah lagama dhalin shan kulan oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Arsenal kulamada horyaalka, waxaana ku jirta afartii ugu dambeysay si xiriir ah.

Kaliya David James (169) ayaa ka badan kulamada shabaqa la ilaashada Peter Cech (165), sidoo kalana xisaabta ku darso sadexdii kulan ee ugu dambeeyay shabaqiisa lama taaban.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

CHELSEA:

Begovic; Ivanovic, Terry, Cahill, Azpilicueta; Matic, Fabregas; Ramires, Oscar, Hazard; Costa

ARSENAL:

Cech; Bellerin, Gabriel, Koscielny, Monreal; Coquelin, Cazorla, Ramsey, Ozil, Sanchez; Walcott