{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Imaaraadka oo lacag gudoonsiisay ehelada askar katirsaneed Ciidanka Dowlada oo la dilay

0
369
????????????????????????????????????

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lacago gudoonsiisay ehelada askar katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo ku geeriyooday qarax Magaalada Muqdisho lagula eegtay kolonyo gaadiid ah ay la socdeen shaqaale katirsan Safaaarada Imaaraadka ku leedahay Muqdisho.

Safaarada Imaaraadka ku leedahay Muqdisho ayaa maanta lacago waxa ay gudoonsiisay ehelada askar katirsaneed Ciidanka Dowlada oo dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray qaraxii lagu weeraray shaqaale katirsanaa Safaarada Imaaraadka oo Muqdisho ka dhacay 24-kii June-2015-ka.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya danjire Maxamed Axmed Cusman Al-xumaadi oo deeqda ku wareejiyay lacagta ayaa sheegay in ciidamada u dhintay difaacadda koxda gar gaarka ee Imaaraadka aan abaal kooda la gudi karin, balse ay tani qeyb ka tahay xusuusin ay u sameynayaan

“Ehelada ay ka dhinteen saddexda muwaadin waxaan guddoonsiinay 30-kun oo doolar, halka kuwa ku dhaawacmay eheladooda aan guddoonsiinay 15 kun doolar, waxaana dhaawacyada saddexdaasi ka mid ahaa Ilaalada kooxda gar gaarka loo qaaday dalka Imaaraadka”ayuu yiri danire Maxamed.

Safiirka ayaa xusay inaysan hakad gelin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen kuwa geeriyooday iyo kuwa dhaawac ahba, isagoo bogaadin u jeediyay ehelada wiilashii naftooda u huray inay ilaalo ka noqdaan kooxda gar gaarka ee Imaaraadka Carabta oo u gurmanaya walaalahood Soomaaliyeed.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday kolonyo gaadiid ah ay la socdeen Shaqaale katirsanaa Safaarada Imaaraadka carabta ku leedahay Muqdisho iyo kooxo gar gaar, waxaa sidoo kale ku dhintay dad badan oo shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.