{DAAWO SAWIRADA} Guushii Arsenal Iyo Alexis Sánchez Oo Abaartii Gool La’aanta Ahayd Saddexley Kaga Jawaabay

0
536

Arsenal ayaa kooxdii aan wax guuldarada ah la kulmin ee  Leicester City garoonkeeda ku soo xasuuqday kadib markii ay 5:2 ku soo garaacday, waxaana kulankan saddexley ka dhaliyay Alexis Sanchez oo ay abaar gool la’aan ahi haysatay. Theo Walcott ayaa Gunners goolka furtaanka udhaliyay  haka uu Olivier Giroud soo gabageeyay goolasha daadka ah ee Gunners. waxayna Arsenal soo gaadhay guul muhiim ah.Jamie Vardy ayaa labada gool udhaliyay kooxda martida loo ahaa ee Liecester city.

Arsenal ayaa marti u ahayd kooxda kaliya ee aan ilaa hadda wax guuldaro ah la kulmin horyaalka Ingiriiska ee Leicester City, waxayna Gunners doonaysay inay noqoto kooxdii ugu horaysay ee saddexda dhibcood ka soo qaadata  Leicester City balse waxaa hamigaas oo kale lahayd kooxda martida loo ahaa ee Leicester City oo xili ciyaareedkan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Arsenal oo kulankii horyaalka ee hore guuldaro xanuun badan kala soo kulantay kooxda Chelsea ayaa doonaysay inay dib ugu soo laabto dubta guusha balse waxa ay maanka ku haysay inay hawl badan kala kulmayso haddii ay doonayso inay guul ka soo gaadho  Leicester City oo garoonkeed marti loogu ahaa.

Leicester City ayaa markiiba ciyaarta dardar fiican ku bilaabatay taas oo keentay inay daqiiqadii 13 aad hogaanka ciyaarta la wareegto kadib markii uu  Jamie Vardy kooxdiisa udhaliyay goolkeeda furitaanka isaga oo ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay Daniel Drinkwater wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Leicester City hogaanka xili horeba kula wareegtay.

Sanchez23

Jamie Vardy

Laakiin hogaanka ay Leicester City la wareegtay ayaan noqon mid sii waara waxaana Arsenal goolkeeda barbaraha daqiiqadii 18 aad udhaliyay  Theo Walcott oo markiisa isna ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay Santi Cazorla waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah iyada oo xamaasada ciyaartuna cirka isku shareertay.Walcott

Daqiiqadii 33 aad ayay Arsenal markeeda hogaanka ciyaarta la wareegtay kadib markii uu Alexis Sánchez udhaliyay goolka ay hogaanka ku qabatay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku qabtay. Goolkan aya ahaa goolkii ugu horeeyay ee uu Sanchez xili ciyaareedkan ka dhaliyay Premier Leaque-ga wuxuuna ka faa’iidaystay karoos uu Bellerin si fiican u soo tuuray.Sanchez

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso badan oo ay labada kooxoodba ku soo badhigeen qaab ciyaareed fiican, waxayna qaybta hore ku dhamaatay iyada oo Arsenal 2:1 hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay ayay Arsenal soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna halkeeda ka sii wadatay dardartii ay qaybta hore ee ciyaarta soo bandhigtay. daqiiqadii 57 aad ayuu  markale  Alexis Sánchez kooxdiisa udhaliyay goolkeeda saddexaad isaga oo markan gacan caawineed ka helay  Mesut Özil waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Gunners hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Qaab ciyaareedka Gunners ayaa Leicester city u diiday daqiiqad ay ku fikirto waxayna markale goolkeeda afraad heshay daqiiqadii 81 aad saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay dhamaystirtay  Alexis Sánchez isaga oo markana caawin ka helay Monreal wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Arsenal ku gumaadayso Leicester City oo ayna hore wax guuldaro ahi u soo gaadhin.Sanchez2

Daqiiqadii 89 aad ayuu Jamie Vardy kooxdiisa udhaliyay goolkeeda labaad isaga oo markan isaguna caawin ka helay  Leonardo Ulloa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:4 ay wali Arsenal hogaanka ciyaarta ku hayso. Laakiin intii lagu jiray daqiiqado dheeraad ah oo ciyaarta lagu daray ayuu  Olivier Giroud oo ciyaarta badal ku soo galay kooxdiisa udhaliyay goolkeeda shanaad isaga oo ku dhaliyay kubbad uu ka helay Monreal, waxayna ciyaartu noqotay 5:2 ay Guners ku gumaaday kooxda Leicester City, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaaday 5:2 ay Gunners ku soo xasuuqday kooxdii aan wax guuldaro ah hore Premier Leaque-ga ugala kulmin ee Leicester city.