{DAAWO SAWIRADA} Madax Iyo ”Amiiro ayaa ka qeyb gashay Janaaso lagu dukaday Meydka Sheikh Rashid bin Shiekh Mohamed

0
615

Waxaa xalay masjidka weyn ee Zabeel ee Magaalada Dubai salaada Janaasada lagula dukaday Sheikh Rashid bin Shiekh Mohamed, oo ahaa wiil 33-sano jir ah uu dhalay Amiirka Dubai sidoo kale ah Ra’izul Wasaaraha Imaaraadka Carabta.

Sheikh Rashid bin Shiekh Mohamed, ayaa shalay geeri deg deg ah ku timid kadib markii uu wadnaha istaagay, geeridan ayaana aheed mid si weyn looga dareemay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.

Sadax maalin oo baroordiiq loo sameenayo ayaa looga dhawaaqay Dalka Imaaradaka Carabta geerida ku timid Sheikh Rashid bin Shiekh Mohamed, waxaana salaada Janaasada ee lagu dukaday marxuunkan ka qeyb galay Amiirada iyo madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta.