{DAAWO SAWIRADA} Obama iyo Putin oo kulan Waji ka waji ah yeeshay kana hadlay arimo Xasaasi ah

0
326

Magaalada New York ee Dalka Mareykanka Waxaa kulan fool ka fool ah ku yeeshay Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama iyo Dhigiisa Dalka Ruushka Vladimir Putin, labada Madaxweyne ayaana ka wada hadlay arimo dhoor ah oo qaarkood ay isku maandhafsanyihiin.

Labada Madaxweyne ayaa intii uu socday Kulankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa ay halkaasi ka jeediyeen labo Khudbad oo kala duwan oo ku aadan xaalada dalka Siiriya iyo sida xalkeeda lagu heli karo.

Barack Obama ayaa sheegay in xalka Siiriya uu ku jiro in meesha laga diro Madaxweynaha Dalkaasi Bishaar Al-Asad, halka Madaxweynaha Ruushka isna taageeray Madaxweynaha Siiriya waxa uuna ku baaqay in la taageero Dowlada iyo Ciidamada Siiriya.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanka ayaa diirada lagu saaray sidii labada Dowladood ay xal ugu raadin lahaayeen xaalada dalka Ruushka iyo la dagaalanka kooxda Daacish ay ku tilmaameen mid khatar badan soo wada.

Vladimir Putin, ayaa sheegay in Madaxweynaha Dalka Mareykanka uu la qaatay kulan muhiim ah oo waxyaabo badan lagu falan qeeyay , mana uusan sheegin in heshiis ay gaareen isaga iyo Obama ayna isku afgarteen xalka Siiriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa shaaciyay in dalkiisa uu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagaxisada ee ku sugan Siiriya, waxa uuna meesha ka saaray in ciidamo dhulka ah ay dalkaasai u dirayaan si ay gacan u siiyaan Ciidamada Siiriya.

Dowlada Ruushka ayaa taageero badan u heysa Dowlada Siiriya waxa ayna ka taageertaa la dagalanka Kooxaha Mucaaradka ay ku jirto Daacish, halka Dowlada Mareykanka iyo xulufadiisa kasoo horjeedaan Madaxweynaha Siiriya kuna baaqay marar badan in uu xilka ka dago.