{DAAWO SAWIRADA} Safiirka Soomaaliya ee Waddanka Koonfur Afrika oo Maanta la Wareegay Xilka

0
501

Munaasabad uu Xilka Kula Wareegayay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u Fariisan doona Dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barroow oo ay ka Qayb-galeen Maamulka iyo Shaqaalaha Safaaradda Somalia ee howsha sii waday ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Konfur Afrika, Maxamed Cali Mire oo Howsha sii waday ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay Maamulkii iyo shaqaalihii howsha Safaaradda sii waday, isagoo xilka ku Wareejiyay Safiirka Cusub, Danjire Jamaal Maxamed Barroow.

Maxamed Cali Mire oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika mar uu ka Warbixinayay Shaqaalaha ayaa xusay inay Safaarada joogaan 18 shaqaale ah oo isugu jira Dublamaasiyiin, u-qayb-sanayaal iyo Shaqaale Hoose, Kuwaas oo Howlo Muhiim ah uga haya Dowladda Soomaaliya – Dalka Koonfur Afrika.

Safiirka cusub ee Somalia wakiilka uga noqonaya dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barroow oo maanta Xilka maamulka Safaaradda la Wareegay ayaa sheegay in Dalka Koonfur Afrika uu horay labo jeer u yimid, xilligii uu ahaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somalia, Xiliyadaasoo uu Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeedba Howlo muhiim ah kala Qabtay Dowladaani Koonfur Afrika, uuna si weyn ugu faraxsan yahay inuu Danjire Somalia uga noqdo dalka Koonfur Afrika uuna rajeenayo inuu wax badan oo Wax-tar u leh Bulshada uu ku soo kordhin doono.

Danjire Barroow ayaa ka Warbixiyay saddex qodob oo ay safaaradu u furan tahay, kuwaas oo uu ku sheegay; Inay ka Shaqeyso Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Wada-shaqeyn lala yeesho dalalkka Danjirayaashu u joogaan iyo ilaalinta Xuquuqda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika. Wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Waddanka Koonfur Afrika; kuwaasoo Gacan weyn ka Geystay Jiritaanka iyo Furitaanka Safaaradda.

Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo furan muddo saddex sano ku dhawaad ah oo uu Geeriyooday Safiirkii koowaad ee ay yeelato muddo yar kaddib markii la furay.

Ugu dambeyn, Danjire Jamaal Barrow ayaa Noqonaya Safiirkii labaad ee Somalia ay u soo magacowdo safaaradda dalka Koonfur Afrika tan iyo markii Calan Soomaaliya laga taagay Koonfur Afrika, iyadoo ay Xilligaan baahi badan u Qabaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika waxqabadka safiirka iyo Safaaradda iyagoo rajo ka qaba in danjiraha cusub uu noqdo kii u soo dhicin lahaa xuquuq badan oo uga maqan dalka Koonfur Afrika.

safiirk somaliya ee kofur africa (1) safiirk somaliya ee kofur africa (2) safiirk somaliya ee kofur africa (3) safiirk somaliya ee kofur africa (4) safiirk somaliya ee kofur africa (5) safiirk somaliya ee kofur africa (6)

Cumar  Kiyoow  Radio Hiranweyn

Dalka Koonfur Afrika,