{DAAWO SAWIRADA }Ururka dhalinyarada G Hiiraan oo eedeyn u Jeediyay Gudomiye ku Xigeenka Aminga iyo siyaasada Gobolka

0
397
DCIM100MEDIA

Xubno kamida ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo maanta  kulan ay isugu yimaadeen  Magaalada Baladweyne waxa ay  eedeyn u jeediyay Guudoomiye ku xigeenka Aminga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed ibraahim Cabadulaahi oo ay sheegay in taageeray xubno lid ku ah howlaha ururka.

Guudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Mohamed Abdullahi Burale  ayaa  yiri “ halkan maanta waxaa iskugu yimid ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan u jeedka kulanka ayaa ah sidii looga hadli lah faro galin uu Gudoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasada uu ku hayo ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan kadib markii maalintii shalay uu garoonak ku soo dhaweyay Muuno Xasan Maxamed oo horey u aheyd Guudoomiye ku xigeenkii ururka islamarkanaa xilka laga qaaday taaso aflagadooyin badan u geystay ururka hadda waxay sheegtay in ay tahay Guudoomiyaha dhalinyarada Gobolka marka  Gudoomiyaha Aminga iyo siyaasada  iyo Muuno Xasan  Maxamed sharciga ayaan la  Tiigsan doonaan.ayuu’yiri Guudoomiyaha ururka dhalinyarada  Maxamed cabdulaahi Buraale.

Qar ka mid ah ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Guudoomiyaha  looga bahan yahay in uu ka waan toobo iska horkeenka dhalinyarada Gobolka Hiiraan.

Sido kale Guudoomiyaha ururka dhaliyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraale ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ugu soo qeyb galay shirka dib u eegsita dastuurka dalka oo dhawan lagu qabtay Magaalada Caasimada ee Muqdisho islamarkanaa ay ka  soo qeyb galeen ururada dhalinyarada Gobollada dalka.

 

467891012  121314