{DAAWO SAWIRADA} Waa Sidee Xalka Janaale Kadib Boqashadii Taliyaha Ciidamada Uganda

0
337

Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Katumba Wamala ayaa maanta booqday saldhigii deegaanka Janaale ay ku lahaayeen Ciidamada AMISOM, gaar ahaan ciidamada Uganda ka socda,halkaasoo maalin ka hor Al-Shabaab ay weerar qorsheysan ku qaaday.

Weerarkaas oo ahaa mid culus oo Al-Shabaab u adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo weerar toos ah oo dagaalayahanadooda gudaha ugu galeen xeradaas ayaa Taliyaha Ciidamada Uganda iyo saraakiishii la socotay ay qiimeynayeen xerada la weeraray iyo sida weerarka uu u dhacay.

Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta howl galka AMISOM Jen, Sam Kavuma iyo saraakiil kale, waxaana warbixin ka siiyeen sida wax u dhaceen.

“Imaanshaheena xeradan Al-Shabaab ay weerartay wuxuu la xiriiraa sidii aan u qiimeyn laheyd qaabka ay wax u dhaceen, halkan ciidamadii joogay aad ayay isaga difaaceen Al-Shabaab, waana ku faraxnay”ayuu yiri Jen. Katumba Wamala.

Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay inay Janaale u tageen sidii ay u xaqiijin lahaayeen ciidamada inay ku sii negaadaan, waxaana uu tilmaamay in xaalada deegaanka ay tahay mid caadi ah.

Saraakiil reer Galbeed ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ku dhowaad 50-askari ka tirsan Ciidamada Uganda ku dhinteen weerarkaas, waxaana dowladda Uganda ay qiratay in 12 askari kaliya ka dhinteen, iyadoo myedadka 10 ka mid ah la geeyay magaalada Kampala.

Dowladda Uganda ayaa Guddi baara u saartay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday xerada Janaale, waxaana guddigan ay qiimeynayaan sida Al-Shabaab ugu suurta gashay xeradaas inay weeraraan iyo meesha ay wax ka khaldameen hadii ay jiraan habacsanaan dhinaca ammaanka xerada.

katumba (2)katumba (3)katumba (4)katumba (5)katumba (6)katumba (7)katumba (1)